BBCSomali.com | Wararka | Dagaal culus oo ka dhacay Hiiraan

Posted by Fernande Dalal on Wednesday, August 28, 2024

somali
Ciidamada Ethiopia ee jooga Somalia

Dagaal xoogle ayaa saaka agagaaraha magaalada Beledweyne ku dhexmaray ciidammo Itoobiyaan ah iyo kooxo hubeeysan oo weerar ku soo qaaday saldhigyo ay fadhiyeen ciidamada Ethiopia iyo kuwa dowladda KMG.

Dagaalku oo la isku adeegsaday hubka madaafiic iyo noocyada hubka culus iyo kan fudud ayaa waxaa uu ka dhacay inta u dhexaysa buundada Jiracle iyo isgoyska Kala bayrka oo 30 KM waqooyi-galbeed ka xiga magaalada Beledweyne.

Dagaalka oo markii hore ku bilawday weerar lagu soo qaaday ciidan dowladda oo halkaas fadhiyay, oo kooxaha ka soo horjeeda ay kala wareegeen saldhig halkaasi ku yaala, waxaa markii dambe ku biiray ciidan Ethiopian ah oo ka tegay Jento Kundishe oo Beledweyne ku dhow.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo BBC ay wax ka weydiisay dagaalka,isaga oo ku sugan goobta labada dhinac ay ku dagaallamayeen, ayaa sheegay inay ka adkaadeen oo ay meesha ka saareen kooxdii weerarka soo qaaday.

Guddoomiye ku xigeenka Beledweyne, Cabdiraxaam Cilmi Cabdi, ayaa isna BBC u sheegay in ciidamada Ethiopia ay hubka Pm-ka ku gaaraaceen buuro halkaasi ka dhawaa, taasi oo uu sheegay inay qasaaro ka soo gaarto dad reer miyi ahaa.

Waxa uu sheegay in burbur hanti uu ka dhacay meesha la yiraahdo Kala beyrka oo labada dhinac ay si xoog leh ugu dagaallameen.

Weerarkan lagu qaaday ciidamada Ethiopia iyo kuwa dowladda, ayaa ah kii ugu horeeyay ee maalin cad ay ku qaadaan kooxaha Soomaalida ee ka soo horjeeda ciidamada Ethiopia iyo kuwa dowladda ee ku sugan gobolka Hiiraan.

ncG1vNJzZmivp6x7o67CZ5qopV%2BovK6ty6Jmp52nqHy0wM6rsGhqYGWFcHyQaGdxaGFngaC0yKKpmpme